Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukuno culus ku riday qoys lagu eedeeyay inay maalgelinayeen AS, iyagoo si qarsoodi ah dhaqaale ugu aruurinayay akoonno gaar ah oo ay u sameeyeen. Guddoomiyaha Maxkamadda, Saalax Cali Maxamuud Dabaan, oo ku dhawaaqay xukunka, ayaa sheegay in cadaadiska sharci lagu xoojiyay falalkan halista ah ee khatar ku ah amniga qaranka.
Xasan Cusmaan Aadan, oo lagu helay inuu hormuud u ahaa hawlaha maalgelinta, ayaa lagu xukumay 13 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $20,000, taas oo ah xukunka ugu culus ee la dul dhigo eedeysanayaasha. Xasan Cusmaan ayaa la sheegay inuu ahaa shaqsiga maamuli jiray akoonnada lacagta lagu aruurinayay, iyadoo maxkamaddu caddeysay inuu xiriir dhow la lahaa dagaalamayaasha AS.
Faadumo Xasan Cusmaan, Aamina Cabdullahi Abanuur, iyo Xasan Aweys Khaasim ayaa iyagana lagu xukumay min laba sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay inay door ku lahaayeen hawlgalka dhaqaale ee qoyskaasi sameeyay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xukunkan uu yahay fariin cad oo ku wajahan dhammaan shakhsiyaadka ku hawlan maalgelinta ama taageerida dhaqaale ee AS, isagoo hoosta ka xarriiqay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto howlgallada sharciga ah ee lagu dabagalo cid kasta oo falal noocan oo kale ah ku lug leh.