Monday, February 10, 2025

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumad Luul Jeeylaani Cali.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyootay Allaha u naxariistee Marxuumad Luul Jeeylaani Cali oo ka tirsaneyd fanaaniinta Hobollada Qaranka ee Waaberi.

Allaha u naxariistee Marxuumad Luul Jeeylaani oo ku geeriyootay dalka Mareykanka waxa ay ka tirsaneyd fanaaniinta masrixiyadda Banaadiriga ayadoo fanka Soomaaliyeedna si aad ah uga dhex muuqatay beri samaadkii ayadoo ka tirsaneyd hobollada Qaranka ee Waaberi.

Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumadda, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. …Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles