Friday, November 22, 2024

Mareykanka oo sheegay inuu duqeeyay xarumo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yemen.

Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegay in Mareykanka uu fuliyay wax uu ugu yeeray “duqeyn sax ah”, kaas oo uu ku qaaday xarun hubka noocyadiisa kala duwan lagu keydiyo, taas oo ku taala qeybo ka tirsan dalka Yemen oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay, in ciidamada Mareykanka ay bartilmaameedsadeen xarumo dhulka hoostiisa ah oo ay sheegeen in lagu keydiyo hubka loo adeeegsanayay weerarrada ka dhanka ah maraakiibta mara badda cas.

Waxa uu sheegay in duqaymaha cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ay Iran taageerto, ay muujinayso awoodda Maraykanku u leeyahay in la beegsado xarumaha noocaas ah ee qarsoon.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles