Wednesday, April 22, 2026

Maleeshiyaad hubeysan oo Dhakhtar ka Afduubtay Magaaladda Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu afduubay Dr. Faarax Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgalaya isbitaalka guud ee magaalada, kana tirsanaa hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF).
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay ka dambeeyeen afduubka dhakhtarka, kuwaas oo la sheegay inay hore u faafiyeen muuqaallo ay ku codsanayaan in la sii daayo nin laga soo qabtay gudaha Itoobiya, islamarkaana haatan ku xiran magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Ninka ay dalbadeen sii deyntiisa ayaa la sheegay in loo haysto dilkii taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland, Col. Cismaan Cumar Maxamed (Cismaan Itoobiyaan), oo sanadkii 2020-kii lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in afduubka dhakhtarka uu salka ku hayo arrimo la xiriira aano qabiil ah, iyadoo la soo werinayo inuu dhakhtarka hayb la wadaagta Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Falkan ayaa si weyn u cambaareeyay bulshada ku nool Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, kuwaas oo dalbanaya in si degdeg ah loo sii daayo dhakhtarka, islamarkaana laga fogaado falalka amni darrada ah ee saameynaya shaqaalaha caafimaadka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee Puntland, balse waxaa la filayaa in arrintan ay dhalin karto cadaadis cusub oo ku saabsan xaaladda amni ee xillugan ka jirta gobolka Mudug.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles