Friday, July 17, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda, shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo qoyska uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Hassan Omar Mohamed.

Madaxweynaha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa masuul qaran oo door muuqda ka soo qaatay horumarinta hay’adaha difaaca, adkeynta amniga iyo xoojinta doorka Jamhuuriyadda Jabuuti ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, isaga oo si dhow uga qeyb qaatay dadaallada lagu taageerayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Jabuuti xilligan murugada leh, isaga oo tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo, iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles