Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, taasi oo ka dhacday magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey qabsoomidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee horseeday doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday degmooyinka Koonfur Galbeed, isaga oo adkeeyey in iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu saldhig u yahay xasilloonida, amniga iyo horumarka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in doorashooyinkii nabdoonaa ee taariikhiga ahaa ee ka qabsoomay deegaannada Koonfur Galbeed ay astaan u yihiin jihada cusub ee Soomaaliya u qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xasilloonida iyo dowlad-dhiska, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in dalku uu ka gudbay xilligii ay doorashooyinku ku koobnaayeen dano gaar ah iyo siyaasado shaqsi ku salaysan.
Munaasabadda caleemo-saarka waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaasha qaar ka mid Dowlad Goboleedyada dalka, Danjireyaal, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.




