Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Iyo Masuuliyiin kale.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah kii u horreeyay oo rasmi ah, kadib baaqii Ankara ee uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha Turkiga.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib u bilaabay cilaaqaadkooda diblomaasiyadeed, kadib markii uu xiriirka labada dal xumaaday horaantii sanadkii 2024, xilligaas oo Itoobiya is-afgarad sharci darro ah oo markii dambe ay ka laabatay ay la gashay Maamulka Somaliland.