Sunday, April 27, 2025

Madaxweynaha JFS iyo dhigiisa Ereteriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Asmara kulan kula qaatay dhigiisa Ereteriya, Isaias Afwerki, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada hoggaamiye ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Ereteriya, gaar ahaan arrimaha ilaalinta madax-bannaanida, xuduudaha dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, labada madaxweyne waxay xuseen in dhisidda dowlad xooggan oo horumarsan ay mar walba ku xiran tahay dhisidda hay’ado madax-bannaan oo awood leh, sida kuwa amniga iyo difaaca.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Ereteriya ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee Ereteriya ka qaadato tababarka ciidamada Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada kale si looga hortago caqabadaha horumarineed ee Soomaaliya ka jira.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles