Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Daah-furay Mashruuc Bulsho, kaasi oo door weyn ka qaadan doona xoojinta adeegyada aas-aasiga ah iyo kor u qaadidda awoodda dowladaha hoose ee deegaannada Galmudug.
Mashruucan ayaa la filayaa in uu dardargaliyo horumarinta maamulka, kobcinta adeegyada bulshada, taageeridda dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska heer deegaan, adkeysiga bulshada iyo dib u heshiisiinta, si shacabka ay u helaan adeegyo hufan oo waxtar leh.
Munaasabadda daah-furka mashruuca oo ka dhacday Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Galmudug, Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Arrimaha Gudaha DFS, Maamulka Gobolka Galguduud iyo qaar ka mid bulshada Galmudug.




