Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku wajahan Magaalada Muqdisho oo uu kaga qaybgeli doono shir ay garwadeen ka yihiin wakiilada beesha caalamka una dhexeeya madaxda DFS, Golaha Mustaqbalka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa looga arrinsanayaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii heshiis loo gaari lahaa kahor 15 May oo uu ku egyahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo wakiilada BC ku cadaadin doonaan dhinacyada inaysan gole dambe ku kala kicin.




