Wednesday, May 13, 2026

Mad-madow soo kala dhex galay Pakistan iyo Mareykanka

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Pakistan ay door “aad u wanaagsan” ka qaadatay dhexdhexaadinta dagaalka u dhexeeya Iran iyo Iraq, isla markaana aanu qorshaynayn in dib loo eego doorka dhexdhexaadinta ee Pakistan.
Hadalkan Madaxweyne Trump ayaa yimid kadib warbixin ay baahisay CBS News, taas oo sheegaysay in Pakistan ay diyaaradaha Iran ku daadgureysay saldhigyada cirka ee dalkaasi si looga ilaaliyo weerarro suurtagal ah oo uga yimaada Maraykanka. Pakistan ayaa warbixintaas ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad lahayn” isla markaana “buunbuunin iyo kicin warbaahineed” ah.
Suxufiyiinta ayaa Madaxweyne Trump weydiiyay su’aalo dhowr ah ka hor safar muhiim ah oo uu ugu baxay Shiinaha . Mid kamid ah su’aalaha la weydiiyay ayaa ku saabsaned doorka Pakistan ee dhexdhexaadinta.
Wariye ayaa Madaxweyne Trump weydiiyay inuu ka fikirayo dib u eegis lagu sameeyo doorka Pakistan ee dhexdhexaadinta.
Madaxweyne Trump ayaa ku jawaabay:
“Maya, waxaan u maleynayaa inay shaqo aad u wanaagsan qabanayaan. Waxaan aaminsanahay in Pakistan ay qabatay shaqo weyn. LabadA nin ee taliyaha ciidamada Marshal iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan waxay qabteen shaqo aad u wanaagsan.”
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu wada-hadal dheer la yeelan doono Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping inta lagu jiro booqashadiisa Shiinaha, gaar ahaan arrinta Iran. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in Maraykanku aanu u baahnayn caawinta Shiinaha ee ku saabsan arrinta Iran.
Hadalkan muhiimka ah ee Trump ayaa yimid kadib dhageysi muhiim ah oo ka dhacay Kongareeska Maraykanka Talaadadii 12-ka May.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles