Wednesday, May 20, 2026

Jaamacadda Carabta oo ka digtay khatarta ka dhalan karta xiriirka Somaliland iyo Israel

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si adag uga hadlay wararka la xiriira xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Israel iyo Somaliland, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid halis gelin karta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
War kasoo baxay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa lagu sheegay in wararka ku saabsan in Somaliland ay safaarad ka furato magaalada Quddus ay yihiin kuwo sharci-darro ah isla markaana aan la aqbali karin.
Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo lagu taageerayo maamul aan caalamku aqoonsaneyn ay dhaawaceyso wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, islamarkaana ay abuuri karto xiisado siyaasadeed iyo amni oo hor leh oo ka dilaaca Geeska Afrika.
Afhayeenka ururka, Jamaal Rushdi, ayaa sheegay in Israel ay isku dayeyso inay ballaariso saameynteeda diblomaasiyadeed ee Afrika si ay uga baxsato go’doominta siyaasadeed ee caalamka qaarkii ku hayo, gaar ahaan arrimaha la xiriira Falastiin.
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu dambeyn ku celiyay taageerada ay u hayaan midnimada Soomaaliya, isagoo dalalka Carabta ugu baaqay inay si mideysan uga hortagaan tallaabo kasta oo wiiqeysa madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles