Wednesday, September 18, 2024

Itoobiya oo qaaday talaab halis ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa qaaday tallaabo muran dhalisay kadib markii uu Somaliland u magacaabay safiir gaar ah, arrintan oo abuurtay xiisad cusub oo ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu aqbalay waraaqaha aqoonsiga ee safiirka cusub ee Itoobiya, Teshome Shunde Hamito. Arrintan ayaa noqotay mid la yaab ku noqotay Soomaalida, maadaama Itoobiya aysan weli si rasmi ah u aqoonsan Somaliland, balse ay hadda u soo dirtay safiir aan sharciyeysaneyn.

Sawirro ku lifaaqnaa qoraalka ayaa muujinaya Muuse Biixi oo qaabilaya waraaqaha aqoonsiga, taasoo muujinaysa sida uu u aqbalay magacaabista safiirkan cusub. Dad badan ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid halis ah oo laga yaabo inay sii xumeyso xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay Somaliland tahay gobol aan weli si rasmi ah u aqoonsaneyn dowlad madaxbannaan.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Muuse Biixi ayaa sidan u dhignaa:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiyi doona Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito, kaasoo dhawaan la soo magacaabay. Safiirka ayaa madaxweynaha u soo gaadhsiiyey salaam diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed Ali. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweeyey safiirka cusub, waxaana uu u rajeeyey in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda loo soo magacaabay.”

Intii uu shirka socday, waxaa sidoo kale laga wada hadlay arrimaha amniga ee gobolka Geeska Afrika, adkaynta xiriirka labada dal, iyo iskaashiga mustaqbalka labada shacab.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles