Wednesday, May 6, 2026

Itoobiya iyo Imaaraadka oo weeraray Suudan.

Kadib markii Suudaan ay sheegtay in uu jiro weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo ay fuliyeen Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, kaas oo lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Khartuum, Itoobiya ayaa si adag u beenisay eeddaas.

Eedeynta ay Suudaan hadda soo bandhigtay ayaa lagu tilmaamay mid ujeedkeedu yahay in la sii xumeeyo faragelinta dalal shisheeye ee dagaalka ka socda Suudaan.

Afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Suudaan, Sarreeye Guuto Caasim Cawaad Cabdilwahaab, ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay haysato “caddeymo ku filan” oo muujinaya in Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ay si toos ah gacan uga geysteen weerarkaasi.

Waxaa kale oo uu sheegay in weerarkaasi uu sababay in garoonka diyaaradaha Khartuum la xiro lana joojiyo adeeggiisii muddo 72 saacadood ah.

Illaa iyo hadda wax jawaab ah kama bixin Imaaraadka Carabta eedeynta Suudaan, hase yeeshee Itoobiya waxay soo saartay bayaan ay si cad ugu beenisay eedahaasi.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles