Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbaas Araqchi, ayaa sheegay in haddii dagaalku sii socdo, ciidamada Iiraan ay beegsan doonaan “bartilmaameed kasta oo Maraykan ah oo gobolka ku yaalla”, laga bilaabo saldhigyada iyo xarumaha milatari ilaa goobaha ay ciidamada Maraykanku ku urursan yihiin.
Araqchi ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay martida ka qaybgashay Shirka Caalamiga ah ee Midnimada Islaamka.
Waxa uu sheegay in Iiraan ay hore ugu wargelisay dalalka gobolka in haddii Maraykanku weerar ku qaado Iiraan, saldhigyada iyo bartilmaameedyada Maraykanka ee gobolka ay wajihi doonaan jawaab militari oo ka timaadda Iiraan.
Waxa uu weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ee Iiraan ku tilmaamay “gardarro aan sharci ahayn”, halka weerarrada Iiraan uu ku tilmaamay “is-difaac sharci ah”.
Araqchi waxa uu sheegay in dagaalkii dhowaan dhacay uu muujiyay in dalalka gobolka aysan ku tiirsanaan karin Maraykanka si uu ammaankooda u ilaaliyo.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in awoodda gantaallada Iiraan ay “si wanaagsan uga gudubtay imtixaankeedii” dagaalkii dhowaan dhacay, isagoo ku andacooday in Maraykanka iyo Israa’iil ay awoodi waayeen inay ka hortagaan gantaallada Iiraan.
Qayb kale oo ka mid ah khudbaddiisa, Araqchi wuxuu sheegay in Iiraan ay doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka Islaamka iyo dalalka ay deriska yihiin.
Waxa uu sheegay in hadda aysan jirin “wax sabab ah oo khilaaf keenta” oo u dhexeeya Iiraan iyo Masar, isla markaana Tehran ay diyaar u tahay inay dib u soo celiso xiriirka labada dal marka Qaahira ay diyaar noqoto.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dowladda Lubnaan iyo kooxaha kala duwan ee dalkaas, inkastoo Tehran aysan ku qanacsanayn qaar ka mid ah siyaasadaha dowladda Lubnaan.
Araqchi ayaa sheegay inuu rajaynayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Lubnaan ay muujiso “xigmad iyo caqli dheeraad ah”.




