Warbaahinta taabacsan Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa waxaa ay baahiyeen warar ku saabsan “weerarro gantaallo” oo lagu riday saldhigyada Mareykanka ee Kuwait, wakaaladda wararka ee Tasnim oo iyaduna sheegtay in weerar lagu qaaday saldhigyada Mareykanka ee Baxrayn, isla markaana ay sheegtay in ugu yaraan saddex qarax laga maqlay gudaha Kuwait.
Wakaaladdu sidoo kale waxay sheegtay in qarax laga maqlay xeebta Jasiiradda Qeshm, waxayna qortay in “walax la soo tuuray ay u badan tahay inay ku dhacday xeebta u dhexeysa magaalada Souza iyo tuulada Masan”,
Dhanka kale, wakaaladdaa Fars ayaa dhankeeda ku dartay in waddamada digniinaha sameenaya ay ku jirto Sacuudiga, iyada oo gantaallo ay ku dhacayn garoonka diyaaradaha DubDubai
Ilaa hadda, CENTCOM wax jawaab ah kama bixin warbixintaas.




