Wednesday, December 18, 2024

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo laga dhigay ilaa 2027.

War saxaafadeed kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa waxaa shaaca looga qaaday in la kordhiyay howlgalladooda amniga iyo difaaca ee Soomaaliya illaa 28-ka Febraayo 2027.

Tallaabadani waxaa ka mid ah 3 Howlgal ay Midowga Yurub ka fuliyaan Soomaaliya sida Howlgalka Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ATALANTA, Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM Soomaaliya), iyo Howlgalka Awood-dhisidda Midowga Yurub (EUCAP Soomaaliya).

War saxaafadeedka waxaa shaaca looga qaaday in go’aankan uu daba socdo dib u eegis istiraatijiyadeed oo lagu sameeyay hawl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika, oo ujeedkiisu ahaa in uu wax ka qabto caqabadaha amni ee soo kordhay iyo kor u qaadida doorka uu ku leeyahay amniga badda.

Muddo kordhintu waxa ay salka ku haysaa go’aankii hore ee Golaha Midowga Yurub ee December 5, 2023, ee ahaa in loo cusboonaysiin karo muddada EUCAP Soomaaliya.

EUCAP Soomaaliya waxay diiradda saartaa horumarinta awoodaha hay’adaha amniga Soomaaliya, bixinta la-talin istaraatiiji ah, la-talin, iyo tababaro waxa ay arrimahaani ay ka turjumayaan in Midowga Yurub ka go’an tahay xoojinta awood dhiska ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo xaqiijinta xasilloonida Geeska Afrika.

EUTM Soomaaliya waxay sii wadi doontaa dadaalka ay ku taageereyso horumarinta ciidamada amniga Soomaaliya, qeybta Hawlgalkaan waxa uu higsanayaa inuu u diyaariyo hay’adaha Soomaaliyeed inay qaadaan mas’uuliyadda amniga dalka mustaqbalka, si waafaqsan Qorshaha Wadajirka ah ee Midowga Yurub iyo Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles