Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah u furay Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Dowladda Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo.
Madashan oo ay ka qeybgalayaan wasiiro, xildhibaano, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray xoojinta maamulka dowladaha hoose, dardargelinta adeegyada bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo heer degmo.
Madasha ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga, iyadoo la isla eegay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, kor loogu qaadi lahaa amniga bulshada, loogana hortagi lahaa khataraha amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale madasha ayaa lagu gorfeeyey arrimaha dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo sidii dowladaha hoose ay u yeelan lahaayeen awood iyo dhaqaale ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda ku aaddan bulshada.
Madasha ayaa sido kale looga hadlay u-diyaargarowga saameynta fatahaadaha El-Niño, iyadoo la isla eegay qorshayaasha ka hortagga iyo ka jawaabidda fatahaadaha, diyaarinta gurmadka degdegga ah iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta ay roobabka iyo fatahaaduhu ku yeelan karaan shacabka, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada nugul.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka kula dardaarmay in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, u adeegaan bulshada si hufan, isla markaana mudnaanta siiyaan amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo u-diyaargarowga xaaladaha bani’aadannimo iyo dabiici ah.
Madashan sanadlaha ah ayaa sidoo kale muhiim u ah is-dhaafsiga khibradaha iyo talooyinka maamul ee u dhexeeya guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka, si loo xoojiyo hannaanka dowladnimada hoose iyo adeegyada ay dowladda u fidiso shacabka Koonfur Galbeed.




