Monday, October 14, 2024

Hay’adda SODMA oo qoysas ku sugan magaalada balcad soo gaarsiisay gar-gaar.

In ka badan Shankun {5,000} oo qoys oo kasoo barakacay fatahaadaha wabiga shabelle uu ka geystay deegaanada ku teedsan degmadani balcad ee gobolka shabelaha dhexe ayaa maanta loogu qeybiyay gudaha degmada balcad gar gaar ay soo gaarsiisay hay’adda Maareynta musiibooyinka qaranka soomaaliyeed ee SODMA oo kaa shaneysa dowlada ruushka.
Gar gaarkan waxaa ka faaideystay bulshada danta yar ee barakacayaal ku ah degmada balcad.
Gudomiyaha degmada balcad agaasimaha waaxda gar gaarka hay ada soda iyo wasiir dowlaha wasaarada maareynta musiiboyinka hirshabelle ayaa goob joog ahaa madasha ugu horeyn waxa warbaahinta la hadlay agasimaha waaxda gar gaarka hay ada sodma .
Ugu dambeyn gudoomiyaha degmada balcad qaasim cali nuur furdug aya ka hadlay madasha waxaana soo gebe gebeeyay wasiir dowlaha wasaarada maareynta musiibooyinka ee dowlad gobleedka hirshabelle.
Deeqdaaani gar gaar ay hay adda sodma soo gaaraiiyay degmada balcad ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadoo degmada ay soo gaareen bulaho aad u fara badan oo kasoo barakacay deeganada hoos yimaada degmada balcad kuwaasi oo saameyn ku yeeshtay fatahaada wabiga shabelle.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles