Saturday, May 9, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashada K/Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga, Mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo xirayay tababar isla markaana lagu dhaarinayay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhacaya magaalada Baydhabo ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.
Howl-wadeennadan ayaa loo diyaariyay inay ka qeyb qaataan maamulka iyo habsami u socodka doorashooyinka la qorsheeyay inay ka dhacaan deegaannada Koonfur Galbeed maalinta Berri oo Axadda ah.
Sidoo kale, berri ayaa lagu wadaa in guud ahaan deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka qabsoomaan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada, si shacabka ay codkooda ugu soo doortaan hoggaanka matalaya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles