Maamulka degmada ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarun cusub oo loogu talagalay maareynta iyo gubista qashinka magaalada, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nadaafadda iyo fayadhowrka deegaanka.
Mashruucan waxaa hirgelisay hay’adda Polish Humanitarian Action (PAH), iyadoo ujeeddadiisu tahay dhismaha nidaam dhameystiran oo lagu maareeyo qashinka magaalada si loo yareeyo wasakhowga loona ilaaliyo caafimaadka bulshada.
Xaruntan cusub ayaa ka kooban qeybo kala duwan oo muhiim u ah maaraynta qashinka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Meel gaar ah oo lagu gubo qashinka.
Goobo lagu kala saaro laguna kaydiyo qashinka aan la gubin.
Nidaamka biyo-gelinta xarunta.
Darbi ku wareegsan xarunta si loo sugo amniga.
Guri loogu talagalay waardiyaha xarunta.
Musqul iyo adeegyo kale oo muhiim u ah howlaha xarunta.
Kayd biyood loogu talagalay adeegyada iyo badbaadada xarunta.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hay’adaha iyo dowladda, waxaana kamid ahaa Maamulaha Hay’adda Polish Humanitarian Action (PAH) ee Koonfurta Soomaaliya Dr. Daud, Madaxa Mashaariicda Adanmadan, Madaxa Hawlaha Guud ee hay’adda Shuceyb Axmed Faarax, iyo wakiillo ka socday hay’adaha WARDI iyo Action Medeor.
Sidoo kale waxaa munaasabadda goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socday Xafiiska SODMA, oo ay kamid ahaayeen Eng. Ahmed iyo Muna, iyo xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka Hirshabelle, gaar ahaan waaxda Fayadhowrka oo uu hoggaaminayay Dr. Mohamed.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in xaruntan ay door weyn ka qaadan doonto hagaajinta nadaafadda magaalada, yaraynta khataraha caafimaad ee ka dhasha qashinka, iyo ilaalinta deegaanka, iyagoo bulshada ugu baaqay inay ka qeyb qaataan ilaalinta iyo ka faa’iideysiga nidaamka cusub ee lagu maareynayo qashinka.




