Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), ayaa goordhow si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada Dowlad gobolleedka Hirshabeelle.
Guddiga ayaa isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan Qodobka 10-aad ee Sharciga Dhismaha GMDQS, isla markaana fulinaya Qodobka 18-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, wuxuu jadwalka uu soo saaray ku sheegay in 5-ta bisha soo socoto ee Agoosto 2026, loo asteeyay diiwaangelinta iyo qeybinta kaararka codbixiyeyaasha.
7-da Agoosto, ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay dhacdo asteynta iyo shaacinta xarumaya iyo goobaha codbixinta, halka 8-Agoosto loo madlan yahay dhaacinta liiska hordhaca ah ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Sidoo kale, Guddiga jadwalka doorasho ee Dowlad gobolleedka Hirshabeelle ee ay soo saareen, waxay 11-ka bisha Agoosto loo asteeyay soo gudbinta lioska wakiilada ururada siyaasadda ee goobaha codbixinta, halka 15-ka Agoosto la guda geli doono soo gudbinta iyo xaqiijinya liiska musharaxiinta golaha wakiillada iyo goleyaasha Deegaanka. 16-kana waxaa la shaacin doonaa Liiska kama dambeyska ah ee codbixiyeyaasha.
18-ka, shaacinta liiska musharaxiinta ururada siyaasadda iyo maalinta 18-ka Agoosto 2026, oo ah maalinta doorashada.




