Golaha Ammaanka oo ka shiraya mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo xaaladda amniga Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda amniga Soomaaliya iyo mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo kulanka lagu soo bandhigi doono warbixinno la xiriira xaaladda howlgalka, caqabadaha haysta iyo qorshaha mustaqbalka ee taageerada amniga Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kulanka laga dhageysan doono warbixinno ay soo jeedinayaan Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, Martin Kimani, iyo Madaxa Howlgalka AUSSOM, El Hadji Ibrahima Diene, kuwaas oo Golaha Ammaanka la wadaagi doona xog ku saabsan xaaladda amni iyo hawlaha socda ee howlgalka.
Qodobada ugu waaweyn ee kulanka lagu falanqeynayo waxaa ka mid ah mustaqbalka howlgalka AUSSOM, baahiyaha dhaqaale iyo saadka ee ciidamada Midowga Afrika, suurtagalnimada sii wadista taageerada Qaramada Midoobay, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya, oo si tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan dhaqaale-yaraanta iyo awoodda howlgalka AUSSOM uu ku sii wadi karo howlihiisa, iyadoo dalalka ciidamada ku deeqay ay hore u muujiyeen baahida loo qabo taageero joogto ah oo socota muddo 18 ilaa 24 bilood ah, si loo xaqiijiyo kala-guur amni oo qorshaysan, loona xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale kulanka miiska saaran saameynta ay yeelan karto hakad ku yimaada taageerada saadka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo AUSSOM iyo qaybo ka mid ah ciidamada ammaanka Soomaaliya ka taageera shidaalka, raashinka iyo agabka kale ee howlgalka.
Kulankan ayaa imaanaya maalmo kadib markii Dowladda Mareykanka ay beddeshay mowqifkeedii hore, isla markaana ay taageertay in hal sano oo dheeraad ah loo kordhiyo muddada taageerada iyo waajibaadka UNSOS iyo AUSSOM. Go’aanka Washington ayaa meesha ka saaraya qorshihii hore ee ahaa in taageerada UNSOS la soo afjaro, inkasta oo Mareykanku uu caddeeyay in tallaabadani aysan ka dhignayn ballanqaad aan waqti lahayn, isla markaana Soomaaliya iyo Midowga Afrika looga baahan yahay inay diyaariyaan hannaan dhaqaale iyo amni oo waara.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles