Lix qof ayaa ku dhaawacantay Madfac Waaberigii hore ee saakayto oo Jimco ah ku habsaday magaallada Daaba ee dalka Masar, una dhow Xuduudka Israel.
Telefishinka dalka Masar ee lagu magacaabo Al-Qahira Al-Ekhbaariyah ayaa baahiyey inuu Gantaalkaasi geystay dhaawaca 6 qof iyo burbur soo gaaray Xarunta Gaadiidka Gurmadka (Ambalaasta) iyo Dhismo la degan yahay oo Khaas u ah Maamulka Isbitaalka ee ku yaalla magaalladda Daaba oo 220 KM u jirta magaalladda Qasa ee Falastiin.
Ilo-wareed la hadlay Telefishinka Al-Qaahira Al-Ekhbaariyah ayaa sheegay inuu Madfacaasi ku lug leeyahay Dagaalka Israel iyo Falastiin ku dhex marayo magaalladda Qasa.
Dhanka kale, Ciiddanka Israel waxay sheegeen inaysan War iyo Wacaal u haynin Dhacdadaasi ka dhacday meel ka baxsan Xuduudkooda, waa sida uu Hadalka u dhigay.
Isbuucan, Israel waxay sheegtay in Gantaal ay mas’uuliyadeeda sheegteen Ururka XAMAAS uu dhaawac ka geystay goob ka baxsan magaalladda Eilat ee Koonfurta Israel kaga jiheysan magaalladda Daaba ee dhanka xuduudka Israel.
Magaallada Daaba oo loo dalxiis tago waxay ku taalla Badda Cas, iyadoo ay aad u soo jiidato Dalxiisayaasha booqda, waana magaalo jiho ahaan ka soo horjeeda magaallo Xeebeedka Eliat ee israel.
Si kastaba, Duqeynta Waaberigii hore ee saakayto ka dhacday magaallada Daaba ee Masar waa Duqeyntii Labaad oo ay Israel ka geystaan gudaha Masar tan iyo markii uu Dagaalka ka dhex qarxay Ururka XAMAAS iyo Israel.
Axadii la soo dhaafay ee ay Taariikhdu ahayd Bishan October 22-dii, Taangi Israeli ayaa waxa uu Madfac ku duqeeyey Bar Kontorool oo ku taalla xuduudka Masar, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr ka tirsan Ilaalada Xuduudaha ee Masaarida.
Milliteriga Israel waxay raalli gelin ka bixiyeen dhacdadaasi, balse, waxaa weli socda Baaritaanka Duqeyntaasi, oo ay Israel ku sheegtay Madfac habow ahaa.