Wednesday, September 18, 2024

Ganacsato lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb iyo Rag loo qabtay

Waxaa caawa magaalada Dhuusamareeb ee xaruntda maamul goboleedka Galmudug lagu dilay rag ganacsato ahaa oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan Diirshe Cade iyo Saciid Tahliil Maxamed.

Labada Marxuum ayaa la sheegay in loo dilay aano qabiil oo daba socotay dad hore loogu dilay deegaanka. Booliska magaalada ayaa dad u xirxiray dhacdadan iyada oo wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in gaadidna la qabtay.

Waxa labada marxuum lagu dilay bartamaha magaalada, taas oo cabsi kale ku abuurtay dadka deegaanka. Laamaha ammaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa wada baaritaan sida ay wax u dheceen.

Taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb Nuur Cilmi Hoosagale ayaa sheegay ragga ganacsatada ah ay dishay gacan kaxaq daran, ayna kamid ahaayeen dadka ugu macquulsan magaalada.

Booliska ayaa sheegay in la qabtay dad lagu tuhunsan yahay in ay lug lahaayeen dilka ganacsatada. “Baaritaanno ayaan sameynay oo waxaa lasoo qabtay dad laga shakiyay, waxaa jira tuhmanayaal aan heyno magacyadooda, haddana aan ku howlannahay in aan gacanta kusoo dhigno”.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles