Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax geystay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro, kaasoo ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.
Goobta qaraxa bambaano uu ka dhacay oo ah Maqaayad inta badan ay fariistaan dad u badan dhalinyaro, gaar ahaan kuwa ciyaara kubada cagta oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay qaraxa 7 kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo goobaha Caafimaadka Baledweyne.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Baledweyne oo saacado kadib gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sameeyay baaritaano ay ku raadiyaan cida ka dambeysay qaraxa bambaano, hayeeshe lama soo sheegin cid ay u soo qabteen.
Amniga guud ee magaalada Baledweyne ayaa ahaa mudooyinkii dambe ahaa mid si weyn u sii xumaanayay, waxaana xusid mudan in Xalay xaafada Kooshin ee magaaladaas kooxo hubeysana iney ku dileen Askari ka tirsana ciidanka NISA oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cali Kaar, islamarkaana ay horay u sii qaateen kooxda dishay qorigii uu watay Askariga.