Ciidamada deegaanka Mabaax, oo hoos yimaada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa qaaday weerar qorsheysan oo culus oo lagu beegsaday kooxo ka tirsan Khawaarijta oo is uruursanayay agagaarka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka, oo si qorsheysan loo diyaariyay, ayaa sababay dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay, kaasoo saraakiisha hoggaaminayay ay ku tilmaameen “guul weyn.” Waxaa la xaqiijiyay in tiro badan oo Khawaarij ah lagu dilay halkaas, iyadoo qorshihii cadowgu lahaa si buuxda loo fashiliyey.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dagaalka joogtada ah ee lagu dabar-goynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dhexe, waxayna xuseen in ay sii wadayaan hawlgallo nadiifin ah oo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaas.
Dowladda Federaalka iyo ciidamada deegaanka ayaa isku duuban, iyagoo sii xoojinaya la dagaallanka argagixisada si dalka looga suuliyo kooxaha nabadda diidan.