Monday, February 10, 2025

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe ee degmada Wadajir.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay doorka iskaashi oo ay bulshada iyo maamulka degmada Wadajir ku dhisayaan waddadaan oo muhiim u ah isku socodka bulshada, isagoo xusay in maamulka gobolka Banaadir uu kaalin weyn ka qaadan doonno dhismahan si loo horumariyo kaabayaasha isku socodka bulshada.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali, agaasimeyaal, ganacsato, odayasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles