Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil oo ku saabsan magacaabista safiirkaoo Israa’iil u soo magacowday Somaliland.
Soomaaliya ayaa sheegtay “in tallaabadan ay si cad u jebinayso madaxbannaanida, midnimada iyo amniga dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay si toos ah uga hor imaanayso qawaaniinta sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay, Mabaadi’da Aasaasiga ah ee Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay tahay hal dal oo madax-bannaan oo aan la kala qaybin karin, xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay”.
Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u diidaysaa isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb ka mid ah dhulkeeda oo ka baxsan awoodda dowladda. Gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan (Somaliland) weli waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dadaal kasta oo lagu muujinayo inuu yahay dal gaar ahna ma laha wax sal sharci ah, wuxuuna wiiqayaa is-afgaradka beesha caalamka”.
Safiirkan Israa’iil u soo magacowday Somaliland waxaa lagu magacaabaa Michael Lotem.
Israa’iil ayaa bishii December ee sanadkii la soo dhaafay Somaliland u aqoonsatay dal madax bannaan, taasoo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid. Somaliland qudheeda waxey sheegtay in ay wakiil u magacowday Israa’iil.





