Go’aanka dowladda Azerbaijan ay si dadban ugu xaddidayso xirashada xijaabka ee ardayda iyo shaqaalaha dugsiyada ayaa dhaliyay dibadbaxyo. Dibadbaxyadan ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah dugsiyada laga hor istaagay arday iyo macallimiin inay fasallada ka qaybgalaan.
Iyadoo dibadbaxyadu sii fidayaan, ayaa dadka isticmaala baraha bulshada ee Azerbaijan waxay soo sheegeen in ay dhibaato kala kulmayaan gelitaanka Instagram iyo TikTok, iyagoo sheegay in barahaasi ay ku geli karaan oo keliya adeegga VPN-ka.
Arrintan ayaa dhalisay tuhun ah in la xaddiday gelitaanka baraha bulshada, xilli ay socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo xayiraadaha xijaabka ee dugsiyada.
Saraakiisha dowladda weli ma xaqiijin in la xannibay barahaasi, balse dadka dhaliila dowladda ayaa dhibaatooyinka gelitaanka ku xiriiriyay dibadbaxyada looga soo horjeedo xayiraadda xijaabka ee dugsiyada.
Weriye BBC ah ayaa arrintan ka hubiyay dhowr qof oo uu yaqaanay, kuwaas oo iyaguna awoodi waayay inay galaan barahaasi. TikTok ayaa shaqaynayay hal mar oo keliya, siddeed jeer oo la tijaabiyay.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala internetka ayaa sidoo kale sheegay in YouTube uu gaabis yahay, ay dhibaato ka haysato gelitaanka akoonnada Gmail, isla markaana uu jiro cilad guud oo dhanka internetka ah.
Dowladda weli wax faahfaahin ah kama bixin arrintan, mana aysan xaqiijin in la xannibay baraha bulshada. Hase yeeshee, dad badan ayaa dhacdadan ku xiriirinaya go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirrada oo la xiriira dharka ay ardaydu ku labisan karaan dugsiyada.




