Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS ayaa shaaciyay in ay magaalada Jigjiga ka socdaan dhismaha 11 wado oo laami cusub ah.
Waddooyinkan laamida ah oo dhismahooda ay fulinayaan heer federaal, heer deegaan iyo Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa dhererkoodu celcelis ahaan dhan yahay ku dhawaan 21km oo laamiya sida uu sheegay Mudane Maxamed Naaji Maxamed, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha.
Dhinaca kale Maareeyaha Adeeg-bixinta Maamulka Magaalada Jigjiga Eng. Axmed Cumar ayaa isna sheegay in wadooyinkan dhismahooda la wado maalin iyo habeenba si muddo gaaban loogu soo gabo’gabeeyo, jidadkan ayaa magaalada Jigjiga waxweyn ka baddali doona isusocodka bulshada, bilcda magaalonimo iyo koboca dhaqan-dhaqaale ee xarunta Deegaanka.