Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa hadda deggan, kaddib dagaal saaka ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada, kaas oo u dhexeeyay ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan.
Dagaalka oo socday in ka badan nus saac ayaa sababay cabsi iyo kala carar soo wajahay shacabka ku dhaqan magaalada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadii daacadda u ahaa Laftagareen ay markii dambe isaga baxeen magaalada, halka ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojiyeen goobaha muhiimka ah ee Baydhabo.
Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada ay tahay mid deggan, isla markaana ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan amniga Baydhabo.
Iska horimaadkan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta la filayo in magaalada Baydhabo lagu dhaariyo xildhibaannada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku soo baxay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada, taas oo sare u qaaday xiisadaha siyaasadeed ee gobolka.




