Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada Xisbiga Waddani, isagoo helay codad gaarayo 63.92%.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaya Madaxweyniha 6-aad ee maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhashay magaalda Hargeysa 1955-kii, 1978 illaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha Soomaaliya, 1981 ilaa 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi ka howlgala wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa May 1988 illaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii Soomaaliya ee dalka Ruusha ee Moosko.