Tuesday, May 19, 2026

Boosaaso: Wiil Aabihiis oo xildhibaan soo noqday ku dilay Tooreey.

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Magaalada Boosaaso lagu dilay Yuusuf Bootaan Ciise oo horey u soo noqday xildhibaan iyo wasiir ku xigeen ka tirsan Puntland.
Dilka ayaa la sheegay in uu geystay wiil uu dhalay marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Bootaan, kaas oo la tilmaamay in uu la noolaa xanuun dhanka dhimirka.
Wiilka ayaa la sheegay in uu dilka aabihiisa u adeegsaday toorrey uu dhowr jeer ku dhuftay, waxayna dhacdadan naxdinta leh ka dhacday xaafadda masjidka Al-aqsa.
Laamaha amniga magaalada Boosaaso oo tagay goobta falkan ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay wiilka dilka geystay, waxaana socda baaritaano la xiriira dhacdadan.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku soo kordhay dilalka, iyadoona xaalada ammaan ee magaaladaasi ay faraha ka baxday maalmihii la soo dhaafay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles