War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay bilaabeen howlgal lagu ururinayo hub sharci-darro ah oo lagu kala qariyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in hubkan ay lahaayeen maleeshiyaadkii weerarka ka geystay degmadaasi, islamarkaana lagu qariyay goobo kala duwan, iyadoo ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu soo qabanayo cid kasta oo ku lug leh kaydinta ama dhaqdhaqaaqa hubka sharci-darrada ah.
Sidoo kale, hay’adaha ammaanka ayaa shacabka ku nool degmada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.
Booliska ayaa adkeeyay inaan la aqbali doonin in hub sharci-darro ah lagu keydiyo guryaha ama goobaha shacabka, iyagoo xusay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falalkaasi.
Dhanka kale, dowladda ayaa shacabka ugu baaqday inay hay’adaha ammaanka ku wargeliyaan goob kasta oo lagu tuhmo in lagu qariyay hub sharci-darro ah.




