Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si kulul u cambaareeyay weerar madaafiicda ah oo shalay aroortii lagu weeraray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
War saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu yiri, “Weerarkan waxashnimada ah kama celin doono annaga iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya inaan raadino nabad iyo amni waarta oo Soomaaliya ka dhacda. Waxaan xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay la dagaalanka argagixisada iyo dhisidda Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah”.
ATMIS ayaa tacsi u dirtay qoysaska, asxaabta, iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarka.
Dhacdadaas ka dib, saraakiisha ATMIS waxay booqdeen goobihii ay dhibaatadu ka dhacday si ay u qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay.
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay ku dileen askar ka tirsan ciidan ATMIS.