Sunday, June 1, 2025

Abaalmarinta Sanadlaha ah dhallinyarad hal-abuurka leh ee qaaradda Afrika oo lagu qabtay Nairobi.

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa ka qeybgalay xafladda Abaalmarinta Habeenka Soomaalida ee 5aad oo ka dhacday magaalada Nairobi, isagoo oo wehlinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Nairobi, Mudane Njoroge Muchiri.

Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu maamuusayey hal-abuurka, kartida, iyo doorka muuqda ee ay bulshada Soomaaliyeed ka ciyaarayaan dhinacyada ganacsiga, cilmiga, hoggaaminta, farshaxanka iyo isbedel-doonka.

Safiir Jabril ayaa bogaadiyey dhammaan dadkii abaalmarinta helay, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay guushan u adeegsadaan horumarinta naftooda iyo dhiirrigelinta jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Wuxuu ku tilmaamay inay yihiin iftiin hagaya mustaqbalka dalka iyo dadkaba.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles