Wararka naga soo gaaraya degaano katirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay kudileen laba Rag Walaalo ahaa, halka ay dhaawaceen laba Carruur ah iyo Hooyadood kadibna ay baxsadeen.
Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Oodan ee Bariga Galgaduud, waxaana lagu Magacaabi jiray C/naasir Axmed Carab iyo C/kariin Axmed Carab, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in dilkaasi uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanoyin qabiil.
Ciidamo katirsan laamaha Amniga Gobolka Galgaduud ayaa tegay halka uu weerarka dilka ah ka dhacay iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay dilka, wallow aysan gacanta ku dhigin dadkii falkaasi ka dambeeyay.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug kajiray dagaal beeleedyo soo laab laabtay iyo dilal aanooyin qabiil ah, iyada oo Madaxda Galmudug ay ku fashilmeen inay waxka qabtaan.