Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalka ka qaybgalay Shirka Baarlamaannada Adduunka ee Ururka Baarlamaannada Caalamiga ah (IPU), kaas oo lagu qabtay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, iyadoo shirku qeyb ka ahaa Shirka 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31).
Soomaaliya waxaa shirka ku matalay Senatarro Samsam Daahir Maxamuud iyo Saciid Cabdi Xuseen Awke oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxay ka qaybqaateen doodaha ku saabsan doorka baarlamaannada ee wax ka qabashada isbeddelka cimilada.
Shirka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka Baarlamaannada Caalamiga ah (IPU) iyo Baarlamaanka Qaranka Turkiga, waxaa ka qaybgalay xildhibaanno ka kala socday dalal badan oo caalamka ah.
Doodaha shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta sharciyada ilaalinta deegaanka, doorka baarlamaannada ee kormeerka siyaasadaha la xiriira cimilada iyo iskaashiga caalamiga ah ee wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay baarlamaannadu u leeyihiin dejinta siyaasado wax ku ool ah oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, ilaalinta deegaanka iyo taageeridda bulshooyinka ay sida weyn u saameeyaan dhibaatooyinka cimiladu.
Ka qaybgalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaallada dalka ee lagu xoojinayo matalaaddiisa fagaarayaasha caalamiga ah, xilli isbeddelka cimiladu uu weli yahay mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee haysta dalalka nugul, gaar ahaan kuwa ku yaalla Geeska Afrika.




