Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska Iskuulka Bartamaha, oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee taariikhiga ah ee Soomaaliya.
Iskuulkan oo la dhisay xilligii gumeysiga, ka hor sannadihii 1960-meeyadii, ayaa muddo dheer u adeegayay bulshada Soomaaliyeed. Hase yeeshee, dhismaha iskuulka oo duugoobay, isla markaana burbur xooggan soo gaaray, ayaa halis ku ahaa badbaadada iyo amniga ardayda iyo macallimiinta, taas oo keentay baahida loo qabo dib-u-dhis iyo casriyeyn.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in dib-u-dhiska iskuulkan uu qayb ka yahay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo adeegyada waxbarashada, laguna xaqiijinayo badbaadada ardayda iyo macallimiinta.
Dhinaca kale, Guddoomiye Dr. Muungaab oo ka hadlay ku-turi-ku-teen ku saabsanayd in Iskuulkan la iibiyey; ayaa yir:
“Waa wax laga xumaado in la faafiyo warar aan sal lahayn oo ku saabsan iibka dhulka Iskuulka Bartamaha; hantida danta guud waa in looga hadlaa xaqiiqooyin iyo caddeymo rasmi ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta goobaha waxbarashada, dib-u-dhiska Iskuulkanna wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu badbaadinayo ardayda laguna horumarinayo waxbarashada dalka.”
Mashruuca dib-u-dhiska Iskuulka Bartamaha ayaa la filayaa inuu wax ka beddelo xaaladda goobta waxbarashada, isla markaana abuuro jawi waxbarasho oo ka wanaagsan kii hore, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha waxbarashada ee Gobolka Banaadir.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Maamulka Degmada Shingaani.




