Guddoomiyaha Golaha shacabka oo Qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ferhat Alkan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah, walaaltinimada iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni iyo danaha wadajirka ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Dowladda iyo Shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan mashaariicda wax-ku-oolka ah ee ay ka hirgeliyeen Soomaaliya iyo kuwa hadda socda, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan oo ay wadaagaan labada shacab.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka iyo safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye oo uu wehliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa kormeeray dhismaha xarunta Golaha Shacabka iyo halka ay ka dhacaan kulamada guud ee Golaha.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles