Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan doceedyo la qaatay hoggaamiyayaal Caalami ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay qaar ka mid ah madax kala kala socota Caalamka.

Mudane Xasan Sheekh ayaa la kulmay Madaxweynaha Serbia, Mudane Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Mudane Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Mudane Emmerson Dambudzo Mnangagwa, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Pakistan, Mudane Muhammad Shehbaz Sharif.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi iyo arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dhinacyadaasi.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo sidoo kale ka hadlay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya ay la yeelan karto dalalkaasi.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles