Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo booqasho ku jooga dalka, kuwaas oo uu wehliyo Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha danaha wadaagga ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyey garab-istaagga Masar ee ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyo taageerada ay Dowladda Masar siiso dadaallada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.




