Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD, kaas oo lagu qabtay magaalada Jabuuti.
Sidoo kale kalfadhiga waxaa ka qayb galay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah IGAD, kuwaas oo ka wada hadlay xaaladda nabadda iyo amniga gobolka, dib u habaynta hay’adaha ururka iyo mudnaanta ay leedahay wadajirka dalalka xubnaha ka ah IGAD .




