Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania,waxana halkaa ku soo dhaweeyey Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Mudane Ilyaas Cali Xasan iyo masuuliyiinta Safaaradda.

Wasiiru Dowlaha ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta Safaaradda, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardargelinta adeegyada loo qabta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha iyo wafdigiisa ayaa kulan casho-sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee hormuudka u ah ganacsiga dalka Tanzania. Kulanka ayaa looga hadlay doorka ganacsatada Soomaaliyeed, fursadaha maalgashi iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles