Sacuudiga oo Soomaaliya dib ugu soo celiyay qaxooti Soomaali ah oo Yemen ku noolaa

Xarunta Gargaarka iyo Gurmadka Boqor Salmaan (KSrelief) ayaa Soomaaliya dib ugu soo celisay 154 qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa Yemen, iyadoo dib-u-soo-celinta laga fuliyay Garoonka Caalamiga ah ee Cadan.
Howlgalkan ayaa waxaa KSrelief kala shaqeysay Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR), waxaana uu qeyb ka yahay barnaamij bani’aadantinimo iyo ilaalin ah oo lagu taageerayo qaxootiga iyo dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee Yemen.
Wakiilka UNHCR ee Yemen, Armen Yedgaryan, ayaa u mahadceliyay KSrelief dadaallada ay ku bixisay fududeynta hannaanka iyo diyaarinta habraacyada lagama maarmaanka u ah in qaxootigu si ikhtiyaari ah ugu laabtaan Soomaaliya.

Dib-u-soo-celinta 154-ka qaxooti ah ayaa qeyb ka ah barnaamijyo gargaar iyo bani’aadantinimo oo si joogto ah uga socda Yemen, kuwaas oo loogu talagalay in lagu taageero dadka nugul iyo bulshooyinka ay saameeyeen xaaladaha bani’aadantinimo.

KSrelief ayaa sheegtay in howlgalka uu muujinayo doorka Sacuudiga ee taageerada iyo gargaarka bani’aadantinimo ee loo fidiyo dadka ay saameeyeen xaaladaha adag, iyadoo barnaamijyadaasi lagu fuliyo xarunta gargaarka ee Boqor Salmaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles