Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in Uganda ay si buuxda ciidamadeeda uga saari doonto Soomaaliya 1-da Agoosto 2027.
Kainerugaba ayaa arrintan ku shaaciyay qoraal uu ku daabacay bartiisa X, isagoo sheegay in wixii ka dambeeya taariikhdaas aysan Soomaaliya ka sii jiri doonin ciidamo ka tirsan Uganda. Somalibusiness directory
Uganda ayaa kamid ah dalalka sida weyn uga qayb qaatay howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007, iyadoo ciidamadeedu muddo ku dhow labaatan sano ka hawlgaleen Soomaaliya, dagaallo badanna kula galay Al-Shabaab.
Go’aanka cusub ayaa kusoo beegmaya xilli mustaqbalka howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhinaca dhaqaalaha iyo taageerada caalamiga ah, gaar ahaan iyadoo ay jiraan walaacyo ku saabsan maalgelinta howlgalka wixii ka dambeeya dhammaadka 2026.
Si kastaba, warbixinta la helay waxay xustay in dowladda Uganda aysan weli si rasmi ah u xaqiijin in 1-da Agoosto 2027 ay tahay waqtiga kama dambaysta ah ee ciidamadeeda Soomaaliya looga saarayo.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Madaxweyne Yoweri Museveni uu cadaadis ku saarayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in la furo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo arrintan ay ilo diblomaasiyadeed ku xireen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.




