Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasiloonida Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo AUSSOM, iyadoo laga wada hadlay taageerada howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Madaxa AUSSOM taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo bogaadiyay iskaashiga dhow ee u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo AUSSOM.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles