Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya William Samoei Ruto ayaa Guddoomiyaha {BBS Mall}Mudane Abdiweli Mahamed Hassan (Moalim Wali), ku maamuusay Billadda Qaranka ee Elder of the Order of the Burning Spear (EBS) oo ka mid ah abaalmarinnada ugu sarreeya ee Dowladda Kenya ay ku aqoonsato shaqsiyaadka sameeya waxqabad muuqda iyo adeeg bulsho oo qiimo leh.
Billaddan sharafta leh ayaa lagu bixiyay magaca Madaxweynaha Kenya, waxaana si rasmi ah u guddoonsiisay Marwo Ummi Bashir Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Dhaqanka, Fanka iyo Hidaha Dhaqanka ee Dowladda Kenya.
Maamuuskan qaran ayaa lagu tilmaamay mid ka tarjumaya kaalinta muuqata ee Mudane Moalim Wali ku leeyahay kobcinta ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado wax ku ool ah oo bulshada anfaca.
Sidoo kale, abaalmarintan ayaa muujinaysa qaddarinta Dowladda Kenya ay u hayso hoggaamintiisa, hal-abuurkiisa iyo dadaallada joogtada ah ee uu ku bixinayo horumar waara, iyadoo sidoo kale xoojinaysa iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee heer gobol.
Guddoonsiinta Billadda Elder of the Order of the Burning Spear (EBS) ayaa loo arkaa aqoonsi qaran oo la siiyo shaqsiyaadka kaalin muuqata ka qaatay horumarka bulshada, dhaqaalaha iyo adeegga guud, taasoo ka dhigaysa maamuuskan mid muujinaya qiimaha iyo saameynta waxqabadka Mudane Abdiweli Mahamed Hassan (Moalim Wali).




