Ra”iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmad Jaamac ayaa maanta xariga ka jaray isbitaalka Laansaleeti gaar ahaan qeybta dhimirka ee Haween
ka oo lagu sameeyay daayac-tir iyo dib u nashqadeen balaaran.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo tayo leh, casri ah, isla markaana loo siman yahay.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyey dawladda Talyaaniga oo ka qeyb qaadatay hirgelinta mashruucan, isagoo xusay in dowladda ay sii wadi doonto dib-u-dhiska xarumaha caafimaadka si loo xoojiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.
Xukuumadda Dan-qaran ayaa dardar xoogan ku wada kor u qaadista Ageegyada dadweynaha si Bulshadu hesho adeeg hormarsan oo waxtar leh.




